Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo burcad ah ayaa caawa ka dhacay Degmadda Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.
Kooxdaan burcadda ah ayaa la sheegay in ay dhac u geysan jireen shacabka dharka ciida ka soo doontay Suuqa Degmada Xamar Weyne.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed oo qoraal soo dhigtay barteeda bulshada ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay Saddexda Burcada aheyd oo mid ka mid ah uu dhaawac yahay.
“Ciidamada Booliska Degmada X/Weyne ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacaayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida, Burcadka ayaa dagaalamay, israsaaseyn kadib Saddaxdii burcad oo mid dhaawac yahay ayaa gacanta lagu dhigay, Saddax shacab ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray, Hal kalena ku dhintay israsaaseynta burcada oo galay goob dukaan”. ayay tiri Taliye Zakiya.

