Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo Ka Badbaaday Shil Gaari+Dhageyso

0

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in shil gaari oo khasaare geystay oo uu ka dhacay duleedka Magaaladaas.

Shilka ayaa dhashay kadib markii uu rogmaday gaari uu la socday wasiirka amniga ee maamulka gal mudug Saadaq Shiikh Yuusuf, waxa ayna wararka qaar sheegayaan in uu dhaawac soo gaaray wasiirka.

Gudoomiyaha degmada dhuusamareeb ee dowladd goboleedka Galmudug Abdiqani abdulhi xasan timajilac oo la hadlay idaacadda Simba ayaa beeniyey inuu dhaawac soo gaaray wasiirka balse waxa uu sheegay in dhaawacyo fudud ay soo gaareen ilaalada wasIirka.

Wadadda udhaxeysa degmooyinka cadaado iyo dhusamareeb ayaa waxay tahay wado aad u burbursan ayna adagtahay in ay ku safraan shacab iyo madaxba taasi oo soo cel celisey shilalka gawaridda ee ka dhaca Gobolka galgaduud ee bartamaha somaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here