Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd wiil dhalinyaro ahaa waxa ay ku dileen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Waaxda Kacaan Degmadda Hodan ee gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in dhalinyaro Bastooladdo ku hubeysneyd ay toogteen wiilka dhalinyaradda ahaa oo xiligaas kasoo baxay Salaadda Jimcaha ,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
ilaa haatan lama oga sababta loo dilay wiilkaan dhalinyarada ahaa,balse dilkaan ayaa qeyb ka ah dilalka ka dhacayay bishaan ramadaam Magaaladda muqdisho.

