Wararka ka imaanaya magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Maamulka Puntland ayaa ku waramaya in xalay Magaaladaas lagu dilay Gabar dhaliyaro aheyd oo xiligaas kasoo baxday Salaadda taraawiidda.
Falkaan oo loo adeegsaday Toorey(Mindi), ayaa ka dhacay Xaafadda Garsoor ee woqooyiga Magaaladda Gaalkacyo,waxaana loo geystay gabar lagu magacaabi jirey Nimco Cumar Shire (Xuuray).
Gabadha oo dhaawac culus ka soo gaaray toorey dhuunta looga dhuftay ayaa ku geeriyootay gudaha isbitaalka Gaalkacyo sida laga soo xigtay dhaqaatiirta caafimaadka ee ka hawlgala isbitaalkaasi.
Dhanka kale Ciidamadda amaanka magaaladda gaalkacyo ee Puntland oo howlgal sameeyay ayaa ku guuldareystay in ay gacanta kusoo dhigaan kuwii dilka Naciima.

