Taliska Hay’adda nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay xubin ka tirsan Ururka Daacish.
Qoraal kasoo baxay Nisa ayaa lagu sheegay in Ciidamadda Amniga howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay ninkaan ka Tirsan Daacish.
NISA Ma aysan shaacinin magaca ninka gacanta lagu dhigay.
“Hawlgal 24ka bishaan ciidamada amnigu ka fuliyey degmada hawlwadaag ee magalada Mogadisho ayaa laguso qabtay nin katirsan ISIS, Ciidanka amnigu wuxuu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha AS iyo ISIS, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Nabad Suggida.

