Faah-faahin:-Askari Magaaladda Muqdisho Ku Dilay Mooto Bajaale

0

Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaaladda Muqdisho galabta ku dilay  Darawal mooto Bajaaj.

Dilkaan ayaa ka dhacay Afar Irdoodka Degmada Xamar wayne ee Gobolka banaadir,islamarkaana kamid ah goobaha ugu mashquulka badan Degmadaas.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askari iyo Darawalka Mooto bajaajka ayaa muran uu soo kala dhexgalay waxayna taasi keentay in askariga uu rasaas ku furo darawalka.

Dhanka kale ciidamadda Booliska Degmadda Xamar Weyne ayaa ku guuleystay in  ay qabtaan askariga dilka geystay.

Falkaan ayaa kusoo aadaya xili maanta Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ay xukun dil ah ku riday askari dilay Darawal Mooto Bajaaj.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here