Mahad Karataay oo Dagaalyahanada Shabaab Kula Dardaarmay inay Kordhiyaan Isqarxinta

0

Sarkaal ka tirsan Xarakadda Al-shabaab,islamarkaana ah kuwa ugu saameynta badan ayaa shabaab ugu baaqay in ay kordhiyaan falalka isqarxinta ah.

Sheekh Mahad Warsame Abuu C/raxmaan oo loo yaqaan (Mahad Karataay), kana mid ah Saraakiisha Shabaab oo kasoo muuqday muuqaal soconaya 19-daqiiqo ayuu shabaab ugu baaqay kordhinta weerarada lagu qaado saldhigyada Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

Waxa uu sheegay in qaraxyadda lala beegsado Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay dhibaatooyin kala kulmaan,sidaas darteed loo baahan yahay in la kordhiyo.

“Fariinta 1aad waxey ku socotaa Mujaahidiinta waxaan ugu dardaarmayaa nafteyda iyo naftooduba cabsida Allaah iyo inaad Cadowgiisa naafeysaan weeraradana aad u joogteysaan, Kamiinada xiriirisaan,dhiiga walaalihiina Muslimiintana aad si adag uga taxadartaan, waa god Naareed ee ha sahlanina, Jihaadkeenuna waxaa waajib nagu ah inaan ka illaalino Guluwiga iyo Irjaaga. Waxaad ku dadaashaan camaliyaatka Istish-haadiga, naftiinana uga sheekeeya waxaadna ogaataan inay san jirin wax cadowga uga daran Camaliyaatka Istish-haadiga iyo Qaraxyada Miinada ee qaraxyada u laba-laaba oo laaya, midey ku qaraxdo iyo mid ku qarwa ka dhiga.” Ayuu yiri Sheekh Mahad Warsame.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here