Daahir Ciiro:-“Madaxda Ku Shirtay Garoowe Maslaxadooda oo Kaliya Ayay Raadinayeen”,

0

Ex- xildhibaan Daahir Cabduqaadi Muuse (Daahir cirro), oo hore xubin uga soo noqday baarlamaankii siddeedaad ee dalka ayaa madaxdii ka qeyb gashay shirkii Garowe ku eedeeyey inay maslaxadooda oo kaliya raadinayeen, markii ay heli waayeena ay ku kala tageen shirka.

Daahir cirro oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sidoo kale madaxda dalka ku dhaliilay inaysan ku shaqeynin dastuurka dalka, waxa uuna tilmaamay in kulamada fashilka kusoo dhamaado aan markii hore ba dasturka loo marin.

Shirkan natiijo la’aanta kusoo dhamaaday ayaa magaalada Garowe ka furmay 5-tii bishan may waxaana muddo 6 maalmood ah oo uu socday doodo iyo wadahadallo adag yeeshay madaxda ugu sareysa qaranka Somalia oo ay hogaaminayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo Raiisul wazaare xasan cali kheyre, madaxda shanta dowlad goboleed ee dalka iyo guddoomiyaha Gobolka Benadir.

Qaar kamid madaxdii ka qeyb gashay shirka ayaa ku laabtay deeganada ay matalayeen waxaana madaxda hadda Garowe ka ambabaxay kamid ah madaxweynaha Galmudug Axmed Ducale Geelle Xaaf iyo madaxweynaha Jubbaland Ahmed mohamed Islam Madobe.

Madaxda kale ee wali ku sugan Garowe oo ay ugu horeeyaan madaxda Qaranka ayaa iyana la filayaa inay saacadaha isaga soo ambabaxaan magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here