Waxaa fashil kusoo dhamaaday Shirkii wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga socday magaalda Garoowe.
Shirkaan ayaa Magaaladda Garoowe ee Puntland ka bilowday 5-tii bishaan,waxaana shirka uu ahaa mid ka duwan shirarkii hore,madaama Madaxda ay arrimo xasaasi ah kawada hadleen.
Shirkaan waxaa shir Gudoominayay Madaxweynaha Soomaaliya maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),waxaana ka qeyb galay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre, Madaxda Maamuladda Puntland, Galmudug, Hir-shabeelle, Jubbaland, Koonfur galbeed Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Qorshaha shirka ayaa ahaa ka hadlidda sharciga Doorashooyinka, Batroolka iyo arrimaha Dastuurka,balse waxaa Madaxda Dowladda iyo Kuwa Maamul Goboleedyada ayaa shirka la tagay ajendayaal iyaga gooni ah.
Madaxda Dowladda Dhexe ayaa la sheegay in shirka ay la tageen in meesha laga saaro Hamiga dib usoo laabashadda Madaxda Dowladd Goboleedyada Galmudug iyo Jubbland oo doorashadooyin ay kusoo food leeyihiin,waana sababta shirka uu u sameeyay arrimaha Galmudug iyo Jubbland.
Intaas kadib waxa dhacay kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Kulan Saacado badan qaatay oo Magaalada Garowe ku dhexmaray labada dhinac ayaa kusoo dhamaaday Fashil ka dib markii labada dhinac ay heshiis gaari waayeen.
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo jeediyay in hal sano loo kordhiyay maamulka Galmudug iyo Xaaf islamarkaana baarlamaanka Galmudug uu ku shaqeeyo Cadaado uuna hoggaaminaayo Cali Gacal Casir,balse Xaaf ayaa arintaan ku gacan sayray wuxuuna sheegay in Galmudug leedahay Dastuur iyo baarlamaan uu fadhigoodu yahay Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana wixii muddo kordhin ah ay u taallo
Sidoo kale Xaaf ayaa Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in maamulkiisa laga qaado Cunaqabateynta saaran, islamarkaana loo fasaxo dhaqaallaha ka xayiran oo kaliyah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaaday in uu fasixi doono dhaqaallaha ka xayiran Galmudug ee dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana Madaxweyne Xaaf laga rabo in uu aqbalo muddo kordhin hal sano ah oo joojiyo dalabaadkiisa afarta Sano ah, oo Dowladiisa uu ka dambeyn.
Dhanka kale waxaa fashil kusoo dhaamaday kulan dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubbland axmed madoobe,iyadoona Axmed Madoobe uu eedeen culus dusha ka saaray Maamulka Farmaajo.
Axmed madoobe ayaa ku eedeeyay Dowladdda Federaalka in ay magaalada Muqdisho ka dirtay Cabdinaasir Seeraar Maax, si uu khal-khal iyo dagaal uga abuuro doorashada Jubaland, si lamid ah doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee dowladd goboleedka koonfur Galbeed,balse Madaxweyne ayaa iska fogeeyay eedeenta kaga timid Madaxweynaha Jubbaland.
Inkastoo wax kulan ah uusan dhicin labaddii maalin aynu soo dhaafnay ayaa hadana dhinacyadda ayaa kulamo lagu xalinayay muranka taagan waxa ay kawadeen Magaalada garoowe,balse intooda badan ayaa guuldaro kusoo dhamaaday.
Xalay xili dambe Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay In uu fashil kusoo dhamaaday shirkii lixda maalin ka socday magaaladda Garoowe,islamarkaana dhinacyada ay isku fahmi waayeen.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday inay ixtiraamto heshiiska Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusuna.
Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Dhexe ay qaaday tallaabooyin ay ku xagal daacisay ajandayaashii loo madlanaa sida sharciga Doorashooyinka, Batroolka iyo arrimaha Dastuurka.
Madaxweynayaasha Maamuladda Galmudug iyo Jubbaland oo shirka inta badan uu sameeyay ayaa ka dhoofay Magaaladda garoowe,waxaana Garoowe isugu soo aray madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Farmaajo,Raisulwasaare kheyre iyo Madaxda Maamuladda Puntland, Hir-shabeelle,Koonfur galbeed Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyadda ay ku balameen shir dhacaya Bisha Ramadaan kadib,islaamrkaana shirkaas lagu xalinaayo tabashooyinka xiligaan jira ee ka dhashay shirka Garoowe.
Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo jirta labo sano iyo bilooyin ayaa ku fashilantay la macaamilka Maamul Goboleeyadda dalka ka jira,iskatoo ay xiriir wanaagsan ay la leedahay Maamuladda hir-shabeelle iyo koonfur Galbeed Soomaaliya.

