Ciidamadda amniga oo Qabtay Gaari Shabaab Qaraxyo kasoo Buuxiyeen+Sawirro

0

Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Gaariga oo ah Caasi ayaa lagu qabtay agagaarka Xaawo Cabdi ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiye Xuseen oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay in ciidamadda ay howlgalkaas ku guuleysteen.

Sidoo kale waxa ay sheegtay intii la furfurayay walxaha qarxa in Shabaab ay qarxiyeen gaariga, islamarkaana uu ku dhaawacmay 1 askari oo Booliska ka Tirsanaa.

Sidoo kale Ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta ku soo dhigay labo Shabaab oo 1-dii bishan April ku dilay degmada Waabari Marxuum Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa askarta ilaalada deegaanka ee loo yaqaano Minashiibiyada.

Ciidamada amniga ayaa dardar gelinaya sugida amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka,waxayna mudooyinkii ugu dambeeyay wadeen howlgalo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here