War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Weydow ee Duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa ku waramaya in goordhaweyd uu deegaankaas ka dhacay qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacay.

Qaraxa oo ahaa Miinadda dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay gaari Cabdilaha ah ay la socdeen Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaliya.

Goobjooge ayaa inoo sheegay in qaraxa uu haleelay gaariga,islamarkaana uu dhaliyay khasaare Nafeed.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay todobo ruux oo Afar ka mid ah yihiin Ciidamo Militari ah oo saarnaa Gaari Cabdibile ah oo laamiga maraayay, halka saddexda ruux ee kale yihiin shacab fadhiyay meel ku dhaw laamiga.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya waxaana goobta laga qaaday dhaawacyadda askarta iyo shacabka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here