Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Zakia Xuseen Axmed ayaa faah-faahin ka bixisey Qaraxii galabta ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho kaasi oo sababey qasaaro kale duwan.
Gen. Zakia ayaa sheegtay in gaariga qarxa loo adeegsaday uu ahaa Toyota Harrier, islamarkaana la hordhigay dhismo u dhow isgoyska dabka ee Magaaladda Muqdisho, kadibna uu qarxay, waxaana ay sheegtay inay ku dhinteen Afar qof oo Shacab ahaa halka 5-ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.
“Gaari noociisu yahay Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ayaa qarxay, Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah, Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo” ayey tiri Gen. Zakia
Al-shabaab ayaa sheegtay inay Fuliyeen Qaraxyo labo ahaa oo maanta ka dhacay Muqdisho waxaa ayna sheegeen inay ku dileen Xubno Dowladda Soomaaliya ka tirsan.






