Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Gaari lagu xiray oo barqanimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxa oo gaari lagu dhajiyay ayaa ka dhacay Wadadda Maka Almukaram, gaar ahaan agagaarka Isgoyska Shaqaalaha.
Gaariga Qarxay waxaa lahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cismaan (Koronto), kaasoo la sheegay in xilliga uu gaarigiisa qarxay uu ku jiray goob ganacsi.
Waxaa la sheegay in Sarkaalka markuu uu gaariga usoo dhawaaday uu ogaaday in miino ay ak taalo,islamarkaana uu dib ugu laabtay.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay hal ruux oo shacab ah oo gaariga qarxay ka ak dhawaa.

