War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Degmadda Deyniile ee Gobolka banaadir gaar ahaan agagaarka isbitaalka guutaale.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxaan ayaa haleelay gaari nuuciisa uu yahay Surf Tri Rz oo ay la socdeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay  3-ruux oo midi uu yahay dhaqtar.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaliya,waxaana dadka ku dhaawacmay loo qaaday goobaha caafimaadka.

Qaraxyadda Miinadda wadadeeda dhinaceeda la dhigo ayaa maalmihii dambe kusoo batay magaaladda Muqdisho,waxaana shalay oo kaliyah dhacay ilaa labo qarax oo shabaab ay sheegteen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here