Degreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo nuqul kamid ah la soo gaarsiiyay Wakaaladda SONNA ayaa lagu magaabay Sedex Wasiir kuwaas oo kala ah:-
Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil Sadiiq Warfaa & Xildhibaanad Fowsiya Maxamed Sheekh oo loo Magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Wasiirka cusub ee Dastuurka Saalax Axmed ayaa horey u ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada, waxaana wasaaradan hayay oo dhawaan ka geeriyooday Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,halka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada ayaa ku beel ah booskiisana lagu bedelay Wasiirkii geeriyooday C/eaxmaan Xoosh, halka Wasiir Foosiya iyana buuxisay booskii Wasiirnimo uu baneeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

