Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo kamid ah golaha shacabka ahna Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaliya ayaa sheegay in xildhibaanadda diidan qabsoomidda kulamadda Baarlamaanka in ay u adeegaan Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in kulankii baarlamanka ee Maanta uu ahaa mid xasaasi ah,islamarkaana Xildhibaanadda Baarlamaanka looga baahnaa in ay dhageystaan warbixinta wasiirada iyo Taliyayaasha Ciidamadda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaanadii maanta foodada ka sameeyay kulanka Golaha shacabka ay ahaayeen Wakiilo Al Shabaab u jooga Baarlamaanka.
”Wakiilo Shabaab ayaa Baarlamaanka soo dhax galay, Shabaabku waxa uu rabay in foodo ka dhacdo Baarlamaanka, waxaana u sahlay dad sheeganaya in Xildhibaano yihiin ficilkooduna Shabaabku u adeego, dadka foodada ku wada waa kuwa Shabaab u shaqeeya oo doonaya in halkan fariin uga diraan, waxaana leeyahay shacabka kuwaas wajiyadooda barta” ayuu yiri Goodax Barre.

