Ciidamada DF Soomaaliya oo Fashiliyey Weerar Lamid ah Kii Zoobe!!

0

Ciidamadda Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa fashiliyey weerar loo adeegsan lahaa baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa,si lamid ah kii isgyska Zoobe.

Gaarigaan oo ahaa Booyad lagana buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu qabtay deegaanka Sabiid oo 40KM caasumada kaga beegan Koonfur Galbeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya Aadam Isaaq ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay qabteen gaari qarax ka buuxay.

Wuxuu sheegay gaarigaan oo ah booyad qarax ay ka buuxiyen Shabaab inay ka carareen, kadib markii deegaanka ay la wareegeen ciidamada Dowladda.

“Ciidanka Xooga dalka ayaa gacanta ku dhigay gaari booyad ah oo ay saarnaayeen Qaraxyo oo ay ka carareen Al-Shabaab kadib markii ay ciidanka xureeyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabellada Hoose,Shabaab ayaa damacsaneyd inay fuliyaan mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa taarikhda, laakiin Ciidanka soo majeesta yaasha oo helay xogtooda ayaa udhaqaaqay dhankooda si ay ciida ula simaan.”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here