Madaxii Al-shabaab ee Shabeelaha Hoose oo Dowladda Isku So Dhiibay+Sawirro

0

Sarkaal sare oo ka tirsanaa  Alshabaab iyo Waardiyihiisii gaarka ahaa ayaa isu soo dhiibay Ciidammada Xoogga Dalka soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoober ee ka howl-gasha gobolka Shabeellada hoose.

Ibraahim Maxamed Bitow, oo ahaa Sarkaalkii Alshabaab ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu ka soo tago Alshabaab, kadib markii uu garowsaday inay gaar marsan yihiin Xaqa iyo Islaamnimada ayna xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed.

Bitow ayaa sheegay in dagaallo badan oo ay isagau hor yimaadeen Ciidanka xoogga dalka, ay Shabaab kala kulantay jab aad u xooggan, taas oo keentay in ay u adkeysan waayaan dagaalka oo ay kaymaha ku dhuumaaleystaan.

“Waxaan hoggaaminayay  askar tiraradoodku ka badan tahay 100, oo dagaallo badan la galay ciidanka Dowladda, waxaana naloo geystay jab aad u xooggan” ayuu yiri Ibraahim Maxamed Bittow.

Bitow oo sheegay in uu ka tirsanaa Alshabaab 9-kii sano ee la soo dhaafay ayaa tilmaamay in Shabaab sii liiceyso, ayna la kulmeyso guul darrooyin is daba joog ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here