Maanta oo taariikhda ay ku beegan tahay 27 bisha Maarso waxaa si rasmi ah u furmaya Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka soomaliya.
Xafladda furitaanka ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta Jeneraal Kaahiye (Iskool Buluusiya).
Madax ka socota baarlamaanada dowlad goboleedyada, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galaya xafladda furitaanka.
Madaxweynaha Dowladda federaalka Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in maanta uu furo kalfadhiga Shanaad ee Golaha Shacabka Somaliya Baarlamaanka Soomaaliya,wuxuuna ka jeedin doonaa Khudbad uu kaga hadlaayo xaaladda dalka.
Dhanka kala Ammaanka Wadooyinka gala Xarunta Jeneraal Kaahiye iyo meelo kale ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana xiran goobo ku yaala Magaaladda Muqdisho waxaana goobahaasi ku sugan Ciidamadda Booliska.

