Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari lagu xiray oo galabta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay halka loogu laabto Isgoyska taleex Degmadda Hodan gaar ahaan meel ku dhow premier Bank.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal gaariga qarxay ayaa ahaa nooca raaxadda,waxaana watay wiil dhalinyaro ahaa,waxaana qaraxa ku xirnaa uu ahaa mid xoog leh oo dhaliyey inuu dab qabsado, islamarkaana uu waxyeelo gaarsiiyay dhowr gaari oo wadadda marayey oo uu ka mid yahay gaari Caasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay afar ruux oo kala ah wiilka dhalinyaradda ee gaariga watay, iyo 3-ruux oo saarnaa gaariga Caasiga ah.
Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta,waxaana socda gurmad loo fidinaayo dad kale oo dhaawacyo ay soo gaareen.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan.






