Xildhibaan ku Dhaawacmay Qarax Gaari oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa ku dhaawacmay, labo ruux kalana way ku dhinteen kadib qarax gaari lagu xiray uu ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgooye gaar ahaan Wadada laamiga ah ee aada Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley.

Xildhibaanka qaraxa ku dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen wuxuuna ka tirsan yahay Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa ayaa ku xirnaa gaariga,waxaana xildhibaanka soo gaaray dhaawac,waxaana haatan lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaaladda muqdisho.

Dhanka kale Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan la ogeyn ilaa hada cida ay kusoo qabteen ciidamada amaanka.

Waa Qaraxii afaraad ee maanta ka dhacay magaaladda Muqdsiho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here