Qarax Gaari lagu dhajiyay ayaa Caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoysyada KM4 iyo Laami Yaraha, gaar ahaan aagga xarunta Hargaha iyo Saamaha.
Gaariga qaraxa lagu dhajiyay ayaa waxa watay Sarkaal ka tirsan ciidanka Dambi baarista ee CID-da, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Dhegey.
Sarkaalka ayaa la sheegay in uu ka badbaaday qaraxa,balse waa bas beelayay gaarigiisa,waxaaaa goobta gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

