Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa muddo kadib la wareegay Deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo bilihii aynu soo dhaafnay ay ku sugnaayeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo ka cabanaya mushaar la’aan 4-bilood ah ayaa deegaanka isaga soo baxay galinkii dambe ee shalay.
Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay maqribkii dib ula wareegay gacan ku heynta deegaanka istiraatiijiga ah ee Dhanaane,waxayna usoo jiheysteen ciidamadii kasoo baxay deegaanka dhanka Magaaladda Muqdisho.
Dagaalyahanada Shabaab ayaa saakay lagu arkayaa saldhigyadda deegaanka dhanaane,waxayna magaaladda ka wadaan howlgal.

