War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Deegaanka Weydow ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan oo dhulka ku aasnaa ayaa qabsaday mid kamid ah gaadiidka dagaalka Ciidamadda AMISOM oo halkaas marayay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, qaraxa kadib ciidamadda AMISOM ayaa furay rasaas fara badan.

Ilaa haatan si dhab ah looma khasaaraha ka dhashay qaraxaan ka dhacay Deegaanka Weydow ee Duleedka magaaladda muqdisho, oo dhawaan qarax sidaan oo kale uu ka dhacay.

Dhanka kale waa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka Deegaanka Weydow ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here