Wadooyinka Magaaladda Muqdisho oo Saakay Mar Kale Xiran!

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay mar kale xiray wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah Isgoysyada, Howlwadaag, Tarabuunka, wadada KPP, wadada Makka Al-mukarrama, illaa Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Sababaha loo xiray wadooyinka ayaa lagu sheegay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb galaya furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka islamarkaana khudbad ka jeedin doona.

Furitaanka Kalfadhiga 5-aad ayaa ka dhacaya Xarunta Generaal Kaahiye oo ku taala Degmadda Xamar jajab.

Dhanka kale shacabka magaaladda muqdisho ayaa dhibaatooyin kala kulmaya xirnaanshaha wadooyinka,waxayna goobaha shaqada iyo waxbarashadda ay ku tagaan lug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here