Golaha wasiirada Galmudug ayaa isku raacey Waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo Doorashada Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Galmudug taasi oo maalmihii danbe hadal heynteeda ay ka jirtay deegaanada Galmudug iyo Villa Soomaalia.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale (Xaaf) iyo Madaxa XukuumadaSheekh Axmed Shaakir ayaa si wada jir ah u iclaamiyey in Doorashooyinka Galmudug ay dhici doonaan 2021-ka,taasi oo ka dhigan in Madaxweyne Xaaf uu xilka heyn doono saddexda Sano ee soo socota.
Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Beesha caalamka ugu baaqay inay tixgeliyaan rabitaanka Galmudug, sida uu yiri, iyadoo Axmed Ducaale Xaaf uu isna ku adkeysatay inuu xilka sii heyn doono ilaa 2021.
Xaaf oo muddo xileedkiisa ka bilowday markii uu is casilay madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa xilkiisa ku eg yahay aakhirka sanadkan, iyadoo ay arrintan qeyb ka tahay khilaafka ka taagan maamulka Galmudug.
Talaabadan ay qaadeen Xaaf iyo Shiikh Shaakir ayaa loo arkaa mid soo fogeyneysa in xal laga gaaro khilaafka ka taagan maamulka Galmudug.
dhanka kale Siyaasiyiin ay taageerayso Villa Soomaaliya ayaa wada ololo meesha looga saarayo maamulka fadhigiis yahay Maagalada Dhuusa-mareeb, kuwaasi oo sheegay inay doorashooyin qabanayaan sanadkaan 2019

