Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay isgoyska Sanca oo kala qaybiya degmooyinka Yaaqshiid, Karaan iyo Shibis ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal iska hor imaadkaan ayaa ka dhashay muran soo kala dhexgalay ciidamo ay u xirneyd bar kontorool oo ku taala sanca iyo Gudoomiyaha Degmadda yaaqshid oo doonayay in inuu isgoyska Sanca u gudo dhanka waddada soo aada Nasiib Buundo.
Inta la xaqiijiyay hal askariga oo kamid ahaa ilaaladda Gudoomiyaha Degmadda yaaqshid ayaa ku dhintay.

