Musharixiinta Jubbaland oo aan Si Xur ah Ugu Dhex Socon Karin Kismaayo+Sawirro

0

 

Qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in aysan si xur ah ugu dhex socon karin Magaalada Kismaayo.

Korneel aadan Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Goboladda Jubooyinka oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in xuriyadd aysan haysanin Musharixiinta Jubba-land.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe), uu Musharixiinta ka hor istaagay in ay Magaaladda Kusoo bandhigaan waxqabadkooda hadii ay ku guuleystaan Xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay In Ciidamadda Kenya ay qeyb ka yihiin caburinta lagu hayo Musharixiinta,islamarkaana Axmed madoobe ay ka amar qaataan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here