Mareykanka ayaa beeniyay in dagaal ka dhacay deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose loogu dilay hal askari.
Qoraal kasoo baxay Taliska Africom ayaa lagu beeniyay sheegashadda Al-shabaab.
“Dhamaan ciidamada Mareykanka way badqabaan, mana jiro wax dhaawac ah, Illaa iyo haatan waxaan xaqiijinay in uusan jirin waxyeelo dad shacab ah soo gaarey” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM.
Al-shabaab ayaa warbaahintooda ku baahiyay in weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam lagu dilay askari Mareykan ahaa, iyo 6-askari oo ka Tirsana Kuwa Baangaraafta.


