Ruux Meyd ah oo Saakay Lagu Arkay Magaaladda Muqdisho

0

Meydka Wiil dhalinyaro ahaa ayaa saakay laga helay Wadada Maka Almukuramah ee Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal,Meydka wiilka dhalinyarada ahaa ayaa yaalay agagaarka Hotelka Kuwait Plaza Degmada Waaberi ee Gobolka banaadir.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in Wiilkaan aysan ka muuqanin wax dhaawacyo ah,islamarkaana meydkiisa ay goobta ka qaadeen Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wiilka ay dishay koronto,islamarkaana uu doonayay In qalab uu kala baxo Sollaradda ku xiran baalayaasha  Wadada Maka Almukuramah ee Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here