Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/caziiz Laftagareen ayaa markii ugu horeysay Xilalkii ka qaday qaarka mid ah Mas’uuliyiintii Gobalka Shabeelaha Hoose, ee uu horey u magacaabey Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan, kuwaasi oo xilalka kala duwan ka hayey Gobalka Shabeelaha hoose.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilalkii looga qaaday Gudoomiyihii Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre iyo ku-xigeenadiisa kuwaasi oo noqonaya Mas’uuliyiintii ugu horeysay ee uu xilalka ka qaado.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Shabeelaha Hoose uu soo Magacaabey Ibraahim Najax oo horey Xilkaan ugu qaaday Shariif Xasan ka dib Cabashooyin ka yimid Shacabka Gobalkaasi inkastoo uu ka soo muuday Xiligaas golihii Xukumada ee koonfur Galbeed.


