Nin baadigoobayey jihada ay ka jirto dalka Somalia ayaa lagu xiray magaalada Mandhera iyadoo lagu eedeynayo inuu doonayey ku biirista Al-Shabaab.
Mr Backstone Agaro, oo ah 53 sano jir ayaa hadda waxa uu ku sugan yahay saldhig ay leeyihiin police-ka, waxa ayna sheegeen police-ka Kenya in ay gacanta ku heyn doonaan ninkaan ilaa iyo 7 maalmood si ay baaritaano ugu sameeyaan inuu ku lug lahaa weeraro argagaxiso oo ka dhacay gudaha Kenya.
Garsooraha maxkamadda Mandera Dancun Mtai ayaa u ogolaaday ciidamada sida gaarka ah ula dagaalama argagixisada ee (ATPU) inay baaritaano ku sameeyaan ninkaan.
Mr Elijah Nakeel, oo ah sarkaal ka tirsan ATPU ayaa sheegay in Mr Agaro uu basaas u ahaa Al-Shabaab.
Eedeysanahan markii la xirayey waxa uu Mandera uga degay Bus uu kasoo raacay magaalada Garissa, Buska waxaa lahaa shirkad lagu magacaabo Tawakal, waxa uuna baadi goobayey jihada ay ka xigto Somalia.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Mr Agaro uu watay Note book ay ku qornaayeen in ka badan 100 magaalo oo uu booqday.

