Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Geeriyooday

0

Waxaa isbitaal ku yaala Magaaladda Abuu Dubia ee daka isutaga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Wasiirka ayaa la sheegay in xanuun kadis ahaa uu kusoo booday,islaamrkaana la dhigay isbitaalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa xaqiijiyay geerida Wasiirka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaaladda Dubai, halkaasoo uga qeyb galayay arooska gabadhiisa.

“Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.

Ala ha U Naaxariistee Xoosh Jibriil ayaa kamid ahaa wasiiradda Xukuumadda Soomaaiya,wuxuuna dhowr jeer xilal kasoo qabtay Xukuumadihii  daka soo maray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here