Al-Shabaab Dilal  Ka Geysanayay Muqdisho oo Lasoo Bandhigay+Sawirro

0

Hay’adaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa Magaaladda muqdisho kusoo bandhigay 3-dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab,islamarkaana ay ka dambeeyeen dilal ka dhacay magaaladda.

Dhalinyaradaan ayaa lagu soo qabtay howlgal ciidamadda Booliskaa Soomaaliya ay ka sameeyeen Xaafaddo kamid ah Degmadda Wadajir ee gobolka Banaadir.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysay ayaa sheegay in markii la qabanayay dhalinyaradaan ay doonayeen in ay dilaan haweeney iibinaysa qaad, taasoo u dhaxaysay Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Mid kamid ah dhalinyarada ayaa sheegay in haweeneyda Khaadka iibineysay loo sheegay inay kamid aheyd xildhibaanadii soo xulay baarlamaanka Soomaaliya, sidaasi daraadeedna ay ku guuldareystaan inay toogtaan,madaama Bastooladihii ay u dhici waayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here