Shabaab oo Sheegay in Hoobiyaal Ku Garaaaceen Xafiisyadda Madaxda Dowladda+Sawirro

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Weerar Hoobiyayaal ahaa oo duhurnimadii maanta lagu qaaday Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay In hoobiyayaasha ay gudaha u galeyn xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Goobaha Shabaab ay sheegeen in hoobiayaasha ay ku dhaceyn waxaa kamid ah  xafiisyada Raisulwasaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,meel 20mitir u jirta Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya iyo Dhismaha Wasaaradda Ganacsiga.

Al-shabaab ma aysan sheegin wax khasaaraha dhimasho ah  oo ka dhashay Hoobiyayaasha lagu weeraray Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhanka kale Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowldda Soomaaliya oo loogu hadlaayo hoobiyayaasha lagu weeraray madaxtooyadda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here