Adeer C/xakiin:-“Caasho Waa La Kufsaday,Kadibna Waa La Ceejiyay”,+Dhageyso

0

Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka dhacay kufsi iyo dil loo geystay gabar 13-sano jir aheyd.

Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar yar ayaa saakay meydkeeda laga helay gurigii ay ka maqneed hortiisa,waxaana xalay lagu baafinayay baraha bulshadda habeenkii xalay ahaa.

Adeer C/xakiim Maxamed Axmed oo ah adeerka Gabadha la kufsaday,kadibna la dilay ayaa idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho u sheegay in Caasho shalay la waayay,islamarkaana saakay markii ay hurdada kasoo tooseen ay ku arkeyn meydkeeda albaabka gurigooda oo lagu soo tuuray.

Waxa uu sheegay adeer C/xakiim in kufsi loo geystay Gabadhooda,kadibna la dilay si aysan u sheegin cida kufsatay.

“Walaalow Gabadha iyadoo Meyd ah ayaa lagu soo tuuray gurigii laga waysanaa,gabadha oo lagu magacaabi jirey Caasho waxa ay aheyd 13-sano jir dhiganaysay Fasalka 7-aad ee Dugsiga Dhexe,waxaa la weysanaa ilaa xalay, ragii afduubtay way fara xumeeyeen, ceejina way ku dileen si aysan falka u sheegin, kadibna waxay kusoo tureen gurigii ay ka maqneed, hadda dhaqaatirta ayaa ku howlan howsheeda, jawaab ayaan ka sugeynaa”, ayuu yiri Adeer C/xakiim maxamed Axmed.

Waxa uu ka codsaday Madaxda Maamulka Galmudug in ay arintaan ka jawaabaan,islamarkaana gacanta lagu soo dhigo ragii ka dambeeyay.

Dhacdaaan ayaa maanta waxaa si weyn looga hadal hayaa Baraha bulshadda,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug oo loogu hadlaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here