Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo Galabta lagu dilay magaalada Muqdisho.
“Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay Magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga.
Xildhibaana la dilay oo ka tirsanaa Xisbiga UPD iyo Guddiga Difaaca Golaha Shacabka ayaa la sheegay in maalmihii danbe uu qabay walal amni ka dib markii taliska Boosliska soomaaliya ay ka kaxeysteen Ciidankii ilaalada u ahaa

