Ciidamada AMISOM oo ka Baxaya Saldhig ay Ku Lahayeen Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya  ayaa sheegay in Ciidankooda ay dhawaan ka bixi doonaan dhismaha xaruntii Ex-Kuliyaddii Jaalle Siyaad oo ku taalla wadada Warshadaha ee Magaaladda Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo howlgalka AMISOM ayaa kormeer ku tagay xarunta.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somaaliya Ambassador Francisco Madeira, ayaa sheegay in ciidankooda ay isku diyaariyaan sidii Saldhigaas ugu bixi lahaayeen,looguna wareejin lahaa  Dowladda Soomaaliya.

“Waxaan ku qanacsanahay dayactirka iyo dib u habeynta lagu sameeyay xaruntan waxaana ay diyaar u tahay in dhamaadka bishan lagu wareejiyo ciidamada Milatariga Soomaaliya.” ayuu yiri Madeira.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga DowlaDda Federaalka Maxamed Cali Xaggaa ayaa kaga Mahadceliyay AMISOM sida Ciidamadooda xarunta gacanta ugu hayeen,wuxuuna sheegay in dhawaan halkaas la geyn doono Ciidamo boolis ah.

Ciidamadda AMISOM ayaa dhawaan ka baxay Xaruntii Jaamacada Ummada ee Gaheyr iyo garoonka kubada cagta Istadyum Muqdisho oo muddo 10-sano ay Saldhig ku lahaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here