Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka haatan u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Isagoo la hadlayay idaacadda Simba ayuu sheegay in qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyadda ay la safan yihiin Dowladda Kenya oo haatan khilaaf uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.
Waxa uu sheegay hadii ay midoobaan Madaxda Soomaalida iyo shacabka Soomaaliya ay dowladaha caalamka kusoo dhiiranaynin faragalinta arrimaha Soomaaliya.
Hadalka Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kusoo aadaysa xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,kaasi oo ka dhashay Arrinta Badda, iyo shirkii Soo bandhigida Shidaalka Soomaaliya ee ka dhacay 7-dii bishaan Magaalada London.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu la safan yahay Dowladda Kenya madaama uu xiriir wanaagsan la leeyahay.

