Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Labo Qarax oo Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM Lagula Eegtay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxyadda oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Ceymiska iyo Cooca Coola Degmadda Yaaqshid ee Gobolka banaadir.
Goobjooge ayaa idaacadda Simba u sheegay in Qarax dhulka ku aasnaa lala eegtay Booyadd ay wateen Ciidamadda AMISOM, islamarkaana ciidamo usoo gurmadday qarax kale lala eegtay.
Inta la xaqiijiyay laba askari oo ka tirsanaa ciidamadda dowladda soomaliya ayaa ku dhimatay kuwaasi oo usoo gurmadday ciidamadda AMISOM.
Dhanka kale Ciidamda AMISOM ayaa furay rasaas soconaysay muddo 7-daqiiqo ah.

