Ragii Dilay Ganacsade Salaad Cabdi Cukaash oo Dil Lagu Xukumay

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday 4 nin oo loo haysto dilka ganacsade lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash oo todobaadkii hore lagu dilay Magaalada Boosaaso.

Ciidamadda amaanka maamulka puntland ayaa eedeysayaasha gacanta kusoo dhigay,kadib howlgal ay ka sameeyeen magaaladda.

Cabdifitaax Axmed Xassan, Daahir Dalmar Saalax, Farxaan Siciid Yuusuf iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa qirtay in ay ka dambeeyeen dilka Ganacsadaha.

Dhanka kale Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in lagu helay dilka ganacsade Salaad Cabdi Cukaash islamarkaana ay qiraal ka yihiin in rasaasta ku dhacday ay iyagu rideen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here