Al-shabaab oo Weerar Ku Dhaawacay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Degmadda Qoryooley

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay ku qaadeen Degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho u sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday Xarakadda Shabaab,wuxuuna bartilmaameedka uu ahaa xarunta Degmadda Qoryooley.

Guddoomiyaha kuxigeenka dhinca Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay dagaal kala hortageyn kuwa Shabaab,islamarkaana lagu jabiyay.

Waxa uu sheegay in Dagaalka Al-shabaab ay ku dhaawacmeen Guddoomiyaha Degmadaasi ,kuxigeenkiisa,Xoghayaha iyo Taliyaha deegaanka Qoryooley,kadib markii guri ay ku jireen uu ku soo dhacay Madfac Shabaab ay soo tureen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Shabaab oo loogu hadlaayo dagaalka ay xalay ku qaadeen Degmadda Qoryooley.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here