Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen 3-askari oo Mareykan ahaa

0
"The Hangar" at MCAF Beledogle Somalia. Operation Restore Hope. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.

Xarakadda Al-shabaab ayaa war kasoo saartay weerar loo adeegsaday Madaafiic oo subaxnimadii hore ee shalay lagu qaaday Saldhiga Ciidamadda Mareykanka ee Deegaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

War rasmi ah oo kasoo baxay Shabaab ayay ku xaqiijisay in weerarkii madaafiicda ahaa lagu dilay Seddax askari oo Mareykan ahaa iyo Shan askari oo ah kuwa Bangarafaata loo yaqaan.

Sidoo kale shabaab waxa ay sheegeen in weerarka lagu dhaawacay 8-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Shabaab waxa ay sheegeen in askarta mareykanka ee weerarka lagu dilay uu ku jiray Taliyihii Saldhiga Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose nin magaciisa ay ku sheegeen Generaal Four.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka oo loogu hadlaayo sheegashadda Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here