Somali-land oo Ka Hadashay Wasiiradda Soo Gaaray Muqdisho+Dhageyso

0

Maamulka Somali-land ayaa ka hadlay Wasiiro ka tirsanaa Maamulkii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo todobaadkaan soo gaaray Magaaladda Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah Golaha Wakiiladda Somali-land oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono ragga Muqdisho soo gaaray.

Waxa uu sheegay in warbaahinta ay ka maqleen in 3-wasiir ku-xigeen oo ka tirsanaa Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ay Magaaladda Muqdisho yimaadeen balse aysan ogaaanin ujeedkooda.

Wasiiru dawlihii Cadaaladda Khadar Axmed Diiriye, Wasiir-xigeenkii qorshaynta Axmed Aadan Ismaacil (Kayse) Wasiir-xigeenkii caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil ayaa soo gaaray magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here