Ciidamo Ka Tirsan Booliska iyo Ragg Hubeysnaa oo Muqdisho Ku Dagaaalamay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya iyo ragg hubeysnaa oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Malatariga.

Ciidamadda Booliska ayaa weerar ku qaaday Xaafadda Kaawa Godey Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir oo ragga hubeysnaa ay ku sugnaayeen.

Waxa la sheegay in ragga hubeysnaa ay halkaas dhigteen isbaarooyin ay lacago baad ah ku qaadayeen,islamarkaana ay cabasho ka gudbiyeen shacabka Degmada.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka iska hor imaadka ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamadda booliska iyo ragga hubeysnaa.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxaya Hay’adaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu hadlaayo iska hor imaadka ka hacay Degamadda Wadajir.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here