Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dilal maalmihii dambe askar ka tirsan Ciidamadda Dowladda ay ugu geysteen dad shacab ahaa Magaaladda Muqdisho.
Taliyaha Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliska Gen Cabdullaahi Xasan Bariise oo warbaahinta goordhaweyd kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in la soo qabtay Ciidamo Booliska kamid ah oo dad shacab ah siyaabo kale duwan ugu dilay magaaladda,islamarkaana loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.
Wuxuu sheegay qaar ciidanka ka tirsan oo dil gaystay inay baxsadeen, balse Booliska ay ku daba jiraan sidii loo soo qaban lahaa.
Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa digniin u diray askarta caadeysatay dareeska Ciidanka Booliska inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.
Hadalka Taliyaha Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliska Gen Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa kusoo aadaya xili maalmihii dambe Magaaladda Muqdisho ay ka dhaceyn dilal bareer ah oo loo geystay dad shacab ah,waxaana fuliyay askar ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

