Askari Caawa Muqdisho Ku Dilay Ganacsade Shuceyb Biibaaye

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo caawa Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Shuceyb Biibaaye ku dilay Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Towfiiq Degmadda Yaashid ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askariga ayaa wiilka ku dilay gudaha Maqaayad uu ku lahaa Towfiiq.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta ka dambeysay in askariga uu dilo wiilka maqaayadda lahaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in askarigii dilka ka dambeeyay gacanta lagu dhigay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here