Ruux La Dilay Kadibna La Jarjaray oo Lagu Arkay Muqdisho!

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa ruux Meyd ah islamrkaana la jarjaray oo xalay lagu arkey Degmadda Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Ruuxa meydkiisa la helay ayaa wararku waxa ay sheegayaan in uu kamid ahaa Gacansatada Xaafadda Carta ee degmada Heliwaa.

Waxaa la sheegay in Meydka ruuxaan lagu arkay gudaha Degmadda islamarkaana lagu dilay Baangad,kadiba lagu jarjaray.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray cali laami,waxuuna ahaa ruux ka ganacsan jiray xoolaha nool.

Dhanka kale Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta loo dilay ninkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here