Khilaaf ayaa soo kala dhex galay madaxda dowladd deegaanka Soomaalida iyo dowladda Federaalka Itoobiya, taasoo dhalisay daganaansho la’aan siyaasadeed oo laga dareemay magaalada Jigjiga.
Madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cumar ayaa labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.
Madaxweyne Mustafe ayaa la sheegay inuu la kulmay Madaxda Federaalka Itoobiya, iyagoo kawada hadlay xiisada u dhaxeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada iyo arrimo kale.
Corneel cabdi bare oo kamid ah saraakiishii soo maray dowladda deegaanka somaalida oo la hadalay idaacadd simba ayaa waxa uu sheegay in mustafe cagjar uu diiday in la soo dayo maxabiis uxiran isaga kuwaas oo ka tirsanaa ama la shaqeyn jirey madaxweynihii Hore ee D.D.S Cabdi Maxamuud Cumar.

