Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Carwo Itko Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaan oo dhulka ku aasnaa ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda federaalka Soomaaliya oo halkaas ku sugnaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxa ayaa dhacay xili ay halkaas ku sugnaayeen Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad shacab ah,waxayna meesha aheyd goob mashquul badan.
Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxaan, waxaa sidoo kale qaraxaan dhaawacyo kasoo gaareen ciidamo katirsan booliiska Dowladda Soomaaliya.
Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa haatan ku Sugan Ciidamadda Dowladda Soomaliya waxaana socda baaritaano.
Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan Miino Ee ka dhacay Isgoyska Carwo Itko Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

